BUSHAARO
HA MAOGAAN
SHIRKADAN CUSUB EE GARGAAR
SOONA BOOQO DHAWAAN
SIINA DIYAARI DALABKAAGA
Tartan dhismo biriish oo ka samaysan Paasto
Maanta oo bishu ay ahayd 23 kii november ayaa lagu qabay jaamaca magaalada Delft ee Holland tartankii 6 aad ee dhismaha biriish ka samaysay paasto. Biriishkaa oo laga samaynaayo paasto ama Spagethi, iskuna kala jira 100 cm looguna tala galay in uu qaado culays dhan ilaa boqol kilograam. Ugu badnaan culayska biriishku waa in uu noqdaa 950 gram marka lagu daro paastada uu ka samaysanyahay iyo xabagta isku haysa paastada. Tartankan lagu dhisaayo biriishkan ka samaysan paastada, waxaa kasoo qabgalay dhalin yaro mutacalimiin ah, iyo shirkado xaga dhismaha ah. Abaal gudku waxa weeye lacag dhan 1500 oo Euro oo la siinaayo mutacalimka uu biriishkiisu uu uxoog waynaado. Waxaa kalee lacag dhan 750 euro la siinayaa biriishka u guruxda badan.
Maanta qaybtan tartanka ee shirkadaha waxaa ku guulaystay shirkada layidhaahdo Holland Rail Concult oo samaysay biriish ilaa 102 kilo qaada, taas oo ah 170 jeer culayska biriishka. Xaga quruxda waxaa ku guulaysatay shirkada la yidhaah ABT oo biriish aad u qurux badan samaysay.
Halkan waxaa lagaala socodsidoona waxyaabaha
ku saabsan dhismaha ee xiisaha leh.
" Tan iyo markii ay daadadku burburiyeen biriishkii labaad ee magaalada Hargeysa waxa dadka ku nool xaafadaha u dhow halkaasi dhibaato ka haystay isku talowga. waxana biriishkaasi oo ah nooca loo yaqaano (Irish Birish) daadadku qaadeen bishii April ee sanadkii ukaa waqtigaasina ma jirin cid gacan ka gaysatay dib u dhiskiisa, walow ay jireen codsiyo loo gudbiyay hay`adaha bixiya mucaawimooyinka hadana waxba taasi kama qarsoomin.
hasa yeeshe dawlada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in loo baahan yahay in dadweynuhu gacan ka gaystaan dib u dhiska biriishkaasi.
waxana la magacaabay gudi kuwaasi oo iyana qaaday talaabooyin muhiima si ay u dhaqaajiyaan howshaasi baaxada leh gudidaasi waxa ay Account-yo ka furteen Baanka magaalada Hargaysa iyo shirkada Dahab-shiil waxana ay cid kasta ugu baaqeen in ay gacan ka gaystaan dib u dhiska biriishka labaad ee Hargaysa ".
Sida uu ku waramay, wargayska Saaxil.net
2007- All rights reserved by Gargaar design center